|
Dibadbax lagu dalbanayo siideynta lamaanaha Britain oo ka dhacay Cadaado.
siideynta lamaanaha Britain oo ka dhacay Cadaado.
Cadaado: Waxaa maanta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhacay banaanbax lagu dalbanayay in la siidaayo lamaanayaasha u afduuban kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyadoo banaanbaxayaashu ay baaq u direen burcad badeeda.
Sida ay Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka waxaa maanta Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay sameynayaan dad aad uga xumaa afduubka wali burcad badeeda Soomaalidu ay ku heystaan lamaanayaaasha u dhashay wadanka Ingiriiska ee lagu geysto qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Banaanbaxa oo la sheegay in ay soo qaban qabiyeen Maamulka degmadaasi iyo dadweynaha Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu dalbanayay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu sii daayo lamaanayaasha lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel Chandler kuwaasi oo in mudo ah ay gacanta ku hayaan burcad badeeda Soomaalida.
Dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la hadlay gudoomiyaha degmada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Xassan Cadde isagoo fariin u diray raga Soomaalida ee heysta lamaanayaasha ingiriiska waxaana uu ka codsaday in ay iska daayaan labadaasi ruux ee iyagu waayeelka ah.
Paul iyo Rachel Chandler ayaa burcad badeeda Soomaalida waxaa ay gacanta ku dhigeen sanadkii la soo dhaafay xili ay dhex mushaaxayeen meel u dhow biyaha Soomaaliya waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyay baaqyo lagu dalbanayo in lagu sii daayo ay ka imaanayeen bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
Lamanayaashaani la heysto ayaa in badan oo hore waxaa ay ka codsadeen dowladda Wadanka Ingiriiska iyo cid walba oo gacan ka geysan karta siideyntooda in ay gacan ka geystaan sidii ay mar uga bixi lahaayeen gacanta maleeshiyaadka burcad badeeda Soomaalida ee xooga ku heysata. faah-faahin dheeraad ah la xiriir khaliilmy2010@hotmail.com
|